Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Garowe

0

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Magaalada garoowe xalay waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland, balse kala taabacsan Madaxweynaha Puntland Saiid Cabdullaai Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada PMPF oo gelibanaya Sanaadiiqda loogu talo galay codeynta doorashada Golaha degaanka iyo kuwa diidan doorashada ee taabacsan Siyaasiyiinta mucaaradka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dinteen ilaa Afar Ruux Saddex kalena ay ku dhaawacmay, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay ee katirsan Ciidamada Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Gudaha magaalada Garoowe ay dib ugu soo laabteen Ciidamada PMPF ee Gobolada kale ee Puntland u waday Sanaadiiqda codeynta kadib markii ay diidmo kala horyimaadeen ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

25-ka Bishan ayaa Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay qorsheysay in la qabto doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Golaha degaana, balse Siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen, waxaana sidoo kale dhawaan diiday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse, iyaga oo sheegay in la qabto doorashooyin la isku raacsan yahay.

SHARE

LEAVE A REPLY