Taliyeyaasha NISA iyo Booliiska gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray

0

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka looga yeeray hoggaanada NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan oo uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku eedeeyay iney ka gaabiyeen howlahii looga baahna ee dhanka amaanka, kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan Oktoobar.

U yeerista masuuliyiintaan looga yeeray Muqdisho ayaa imaaneysa kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu ka dalbaday madaxda dowladda Soomaaliya in talaabo ay ka qaado Saraakiisha Booliiska iyo NISA ee gobolka Hiiraan.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle uu soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay dowladda ugu yeertay inuu si deg deg ah ku yimaado, iyadoo taliyaha NISA Colaad Dalabeey uusan wali soo gaarin Muqdisho.

Lama oga talaabada xigta oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto labadan masuul oo magaalada Muqdisho looga wacay si loogula xisaabtamo qaraxyadii waa weyna ee Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray masuuliyiin iyo dad shacab ah, iyadoo dhaawacana uu kor u dhaafay 60 ruux.

Magaalada Baledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya oo ay ka dhacaan qaraxyada khasaaraha badan geysta, islamarkaana aan weli la arag cid lagula xisaabtamo ama qaadda masuuliyadda qaraxyadaasi, hayeeshee waxaa haatan muuqanaya balse isla xisaabtan la xariira masuuliyada dhanka amaanka.

SHARE

LEAVE A REPLY