Taliye Biixi Al-shabaab waxaan ka dilnay 117 xubnood xata dhaawacyada way qaadan wayeen

0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay holwgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaal xoogan iyo duqeymo isbarbar socday kadib ay ciidamada si buuxdo ula wareegeen deegaanka Doonyaale oo Al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah.

Taliye Biixi ayaa xusay in dagaalka uu ahaa mid culus oo socday mudo 8 saadadood ah, islamarkaana kooxda Al-shabaab looga dilay 117 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaashooda walina ciidamada huwanta ah ay ku daba jiraan firxadkooda.

“Halkaan cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan ku soo afjarno, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan nimankii Khawaarijta ahaa gododka ayaa loogu galay oo laga saaray” ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha ciidanka dhulka in dagaalamyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku go’doomiyeen Koonfurta gobolka Mudug, islamarkaana ay gaajo, haraad iyo sahay la’aan u dhiman doonaan.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelin iney meyd iska daaye inay dhaawac qaataan” ayuu yiri Taliye Biixi.

SHARE

LEAVE A REPLY