Taliyaha ciidanka oo amar ku bixiyay in toogasho lagu dilo qofkii isbaaro u taalo

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo Maanta ka hor hadlaayay boqolaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo uu ku dhiiragalinaayay sii wadista howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa amar ku bixiyay in ciidamada ay toogasho ku dili karaan qofkii isbaaro u taalo oo ay arkaan.

Jenaraaalka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in la dhigto isbaaro lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, wuxuuna faray ciidamada in qofkii isbaaro u taalo lagu dilo halka ay isbaarada u taalo.

“Qofkii Isbaaro u taalo aragti halagu dilo, xitaa Maxkamad lama geynayo amar ayaad u qabtaan inaad messhiisa ku toogataan qofkii isbaaro u taalo oo aad aragtaan” ayuu yiri Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Taliye Odawaa Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay kooxda Al-shabaab ka saareen in ka badan 500 KM, islamarkaana guulo laga gaaray howlgaladi ka socday Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxuuna fariin adag u diray dadka ka daba yimaada xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee gacanta lagu soo dhigo.

“Qof kii shabaab ah ee lasoo qabta madaxweynaha Jamhuuriyadda wuu ka hadlay inaan laga daba imaan karin, marka suurtagal maha qof Shabaab in laga daba yimaado, anagana qofkaan qabana ama isa soo dhiiba xeerba ka yaalo oo waxaan gacanta u galineyna hay’adaha ku shaqada leh, hubintooda iyo baaristooda” ayuu yiri Taliye Odawaa Yuusuf.

SHARE

LEAVE A REPLY