Taliyaasha Nabadsugida Soomaaliya iyo Kenya oo kulan xasaasi ah qaatay

0

Madaxa ugu sarreeya Sirdoonka Kenya Nuurdiin Xaaji Maxamed ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Dhiggiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo ay kawada hadlayaan arrimo dhowr ah sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo ku dhow Safarka Agaasimaha NIS.

Nuurdiin & Mahad ayaa diiradda saaraya xoojinta xiriirka hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Kenya ee deriska ah si ay u wadaagaan macluumaadka la xiriira la dagaalanka ‘AS’ maadaama labada Dowlad ay ku dhawaaqeen olole ka dhan ah Shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in socdaalka Taliye Nuurdiin Xaaji uu udub dhexaad u yahay iskaashiga Amniga labada Dal, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha hubeysan.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa kordhiyay kulamada uu la qaadanayo madaxda sirdoonka oo qaarkood uu kula kulmay meelo dalka ka baxsan halka qaar kale ay Muqdisho ugu yimaadeen.

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dahaaray xogta safarka Agaasimaha NIS Nuurdiin Xaaji Maxamed oo keliya laga war helay markii uu soo caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo ku howlgallada Magaca Midowga Afrika ee ATMIS, waxaa intaas dheer in Madaxweynaha Dalkaas William Ruto uu Muqdisho sanadkaan u yimid dardargelinta kulan afar geesood ahaa oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Kenya, Jabuuti & Itoobiya si loola dagaalamo ‘AS’.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xoojineyso howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaannada dhaca Xadka ay la wadaagto Soomaaliya kaddib markii ay kordheen weerarada lagu beegsanayo mas’uuliyiinta, saraakiisha ciidanka iyo dadka deegaannadaas.

SHARE

LEAVE A REPLY