Soomaaliya iyo Ruuska oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Abshir Cumar Huruuse oo booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaas Sergey Lavrov.

Kulanka Wasiirrada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ruushka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga is-qadarinta iyo wax wada qabsiga labada dal.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Abshir Cumar Huruuse iyo dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulan kooda uga wada hadleen Shirka Ruushka iyo Qaaradda Afrika oo la filayo in uu ka dhacay Magaalada St Petersburg dhammaadka July ee sanadkaan.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Ruushka uu wajahaya cadaadis iyo cunaqabateyn uga imaaday qaar ka mid ah dalal ku yaala Qaaradda Yurub iyo dalka Mareykanka, culeysyada uu wajahayo dalkaan ayaa salka waxa ay ku hayaan dagaalka uu la galay sanadkii hore dalka Ukraine.

SHARE

LEAVE A REPLY