Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay iney Fashiliyeen Qaraxyo halis ahaa

0

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaqdhaqaaqa Shabaab ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.

SHARE

LEAVE A REPLY