Sirdoonadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Muqdisho heshiis ku kala saxiixday

0

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Mudane Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay muhiimada iskaashiga iyo is dhaafsiga xogaha labada sirdoon.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarmaan ay tahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wadajir ah leesaga kaashado.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika.

Mudane Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee ku aadan ka hortagga qataraha Argagixisada.

SHARE

LEAVE A REPLY