Shirkadda WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo muhiim ah

0

Shabakadda WhatsApp oo tartan adag kula jirta shirkado badan ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo muhiim u ah dadka isticmaala WhatsApp-ka.

Maamulka Shirkada WhatsApp-ka ayaa sheegay iney u ogolaan doonaan dadka isticmaala adeega WhatsApp ka iney tifaf tiriran karaan fariimaha ama wax ka badali karaan qoraalka ay diraan oo markii hore aanan waxba laga badali karin.

Talaabadaan ayay Shirkadda WhatsApp kaga gol leedahay sidii ay u la tartami laheyd shirkado ay ka mid yihin Telegram iyo Signal oo leh adeegyada wax lagaga badali karo fariimaha uu diro qofka isticmaala Telegran iyo Signal.

Shabakada WhatsApp ayaa sheegtay in fariimaha la tifaftiri karo ilaa 15 daqiiqo ka dib marka la diro, waxaana adeegaan dheeraadka ah uu si weyn wax badan uga anfacaya dadka isticmaala barta WhatsApp oo ku dhibanaa farriimaha ka qaldama ay diraan iney wax ka bedelaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sheega in Shirkadda Wahatsapp ay hada isticmaalan dad ka badan 2 Bilyan oo qof, waxaana dalka ugu badan ee dadkiisa ay isticmaalaan WhatsApp uu noqday dalka Hindiya oo ay isticmaalaan dad tiradoodu gaareyso 487 milyan oo qof.

SHARE

LEAVE A REPLY