Shirka wadatashiga Qaran oo Maanta Muqdisho lagu soo gabagabeynaayo

0
Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad gonoleedyada dalka, kaasoo looga hadlaayay qodobo ay ugu muhiimsanayeen Amniga iyo Abaaraha.
Shirka Golaha wadatashiga ayaa Muqdisho ka bilawday 27-kii bishaan October 2022 ka, waxaana Madaxda Fedaraalka iyo Dowlad goboleedyada dalka ay ku gorfeeyeen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan Amniga sida la dagaalanka Al-Shabaab, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda iyo wax ka qabashada arrimaha Bani’aadamnimo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray kulanka, islamarkaana shir guddoominaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo  guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay ka miradhalinta qodobada looga arinsaday shirka wadatashiga Qaran.
Gabagabada kulanka ee Maanta ayaa lagu wadaa iney soo saaraan Warmurtiyeed muujinaya qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
SHARE

LEAVE A REPLY