Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta oo maanta lagu soo gabagabeynayo Aljeeriya.

0

Dalka Aljeeriya waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo Shir Madaxeedka Waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta ee 31aad oo looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga, Abaaraha & dardargelinta kulamada ururkaan oo 3dii sano u dambeeyay aanay dhicin.

Soomaaliya waxaa ku metalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu la kulmay Madax kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda Dalka & doorka ay ka qaadan karaan howlaha horyaalla Dowladdiisa.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah Madax maanta ku qoran ay ka hadal jeediyaan Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta kahor inta aan lasoo gabagabeyn lagana soosaarin warmurtiyeedka muujinaya qodobada looga hadlay.

Madaxweyne Xasan ayaa Khudbaddiisa Diiradda ku saaraya Xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan Amniga, Bani aadamnimada, xoojinta Cilaaqaadka Dowladdiisa ay la wadaagto waddamada Ururkaan ku bahoobay & is baddellada caalamka ka jira.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa Madaxda Carabta u bandhigaya in door muuqda ay ka qaataan dagaallada ka dhanka ah AS, si looga shaqeeyo nabadda, Horumarka, Dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Abshir Cumar Huruurse, Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Safiirka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carabta Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar, Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya & mas’uuliyiin kale ayaa socdaalka ku wehliya MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

SHARE

LEAVE A REPLY