Shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

0

Waxaa maanta lagu wadaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya in uu ka furma shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo lafilayo in uu ka dhaco aqalka Dalka looga arrimi ee Villa Somalia.

Shirka uu shirguddoominaya Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Yusuuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Madaxda Maamulka Gobaleedyada ayaa galinkii dambe ee shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyada uu garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde uu ku soo dhaweeyay guddi ay Xukuumadda u xilsaartay soo dhaweynta Madaxda kaas uu hormuud u ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi.

Shirka inta uu socda ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro dagaalka ka dhanka ah AS kaas oo inta badan Goballada Dalka ka socda, sidoo kale waxaa la filayaa in lagu gorfeeya shirka sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.

Shirka oo ah kii saddexaad ee uu shirguddoomiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo doorashadiisa ayaa la filaa in gunaanadka shirka laga soo saaro warmuriteed daaran qodobadii ay isku afgarteyn Madaxda inta uu u socda shirka.

SHARE

LEAVE A REPLY