Shaqaale Caafimaad oo lagu afduubtay duuleedka Baledweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Shalay galinkii dambe inta u dhaxeysa deegaanka Farlibaax iyo Baledweyne xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab iney ka afduubteen 6 ruux oo 5 ka mid ah yihiin shaqaale Caafimaad iyo darawalkooda.

Lixda ruux ee la afduubtay ayaa 5 ka mid ah waxay ahayeen shaqaale Caafimaad oo ka tirsan hay’adda Wardi oo ka mid ah hay’addaha ka howlgala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halka ruuxa kale uu aha shacab horay usoo raacay gaariga shaaqaalaha caafimaad wateen oo Baledweyne kusoo jeeday.

Shaqaalaha Caafimaad ee afduubteen kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in ka hor inta aysan kooxdu afduuban ay adeegyo caafimaad kasoo bixiyeen tuulooyin hoos taga deegaanka Farlibaax oo qiyaas ahaan Baledweyne 45 KM kaga beegan dhanka Galbeed.

Masuul ka tirsan maamulka deegaanka Farlibaax oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in haatan ciidanka dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan iney kusoo furtaan 6 ruux ee kooxda Al-shabaab ka afduubteen inta u dhaxeysa Baledweyne iyo deegaanka Farlibaax. 

Lama oga halka ay u wateen kooxda Al-shabaab dadkan ay afduubteen, mana ahan markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-shabaab afduubtaan shaqaale ka tirsan hay’addaha ka howlgala gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY