Saraakiil ajaaniib ah oo ku biiray shirka ka dhanka ah Al-shabaab ee Muqdisho ka socda

0

Shirka madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo maalintii labaad galay ayaa waxaa Maanta ku biiray Saraakiil Militari oo ka kala socoda dalalka Jabtuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shir guddoominaya shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo Taliyaasha ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ah mid diirada lagu saarayo dajinta qorshaha wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab iyo hanaanka wadajirka ah ee ciidamada dalalka safka hore uga qeyb qaadan karaan wajiga labaad ee howlgalka oo lagu wado inuu dhawaan bilaawdo.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in shirkaan lasoo gabagabeeyo, islamarkaana laga soo saaro istaraatiijiyada qorshaha lagu wajahayo wajiga labaad ee howlgalada lagu doonayo in dalka looga ciribtiro kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Qorahaha dowladda Soomaaliya ayaa ah in wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab iney balaariso oo ay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dalalka dariska ah, sida Jabtuuti, Kenya iyo Itoobiya.

SHARE

LEAVE A REPLY