Raysal wasaare Xamse oo sheegay in masuuliyiinta dowladda qeyb ka yihiin amni darada Muqdisho

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo maalmahii lasoo dhaafay sii xumaaneysay.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in isku dhacyada ciidan ee baraha koontarolada magaalada Muqdisho ka dhaca ay sabab u yihiin masuuliyiinta dowladda oo aanan u hogaansamin awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha koontaroolada.

Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Soomaaliya iney u hogaansamaan awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha Koontaroolada, taasoo uu tilmaamay iney muhiim u tahay hubinta amaanka magaalada Muqdisho.

“Masuuliyiinta dowladda waxaan leeyahay u ogolaada ciidanka amniga iney waajibkoda gudtaan, hadad masuul tahay mahan inad wax kale tahay, askartu adigey ku ilalinayaan gurigada iyo ilamahada ayay ilalinayaan surtagal mahan sidee lee istaajin kara inaad dhahdo, saraakiisha Militariga ayagana sidoo kale mahan iney dhahan gaari baroon ah baa ila socda cid i istaajin karta maleh, Xukuumada sharciyo adag ayay kasoo saari doonta arimahas oo fowdo ku ah amniga” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse ayaa xusay in ciqaabta ugu adag ee sharciga la marin doono askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka, islamarkaana ay haatan xiran yihiin askartii ku lugta laheyd dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, lana horkeeni doono sharciga.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay uu faraha kasii baxaayay amaanka magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo ciidan oo sababay dhimashada dad badan oo shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY