Raysal wasaare Xamse oo shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in shaqo joojin lagu sameeyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya HDRS, kadib markii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warqad sumadeedu tahay XFR/0115 oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda 5-tii bishaan Maarso 2023-ka ayaa lagu shaaciyay in Raysal Wasaare Xamse uu shaqada ka joojiyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, kadib wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la sheegay iney cuuryaamin karto adeega Caalamiga ah iyo kan Wadaniga oo ay u xilsaaran tahay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iney soo diyaariso, islamarkaana u soo gudbiso Golaha Wasiirradda wax ka badalka sharciga hay’adda si ay ula jaan qaado hay’adaha Duulista Rayidka ee Caalamka, sidoo kalana Xukuumadda ay u soo gudbiso habraaca guddiga maamulka hay’adda.

Gabagabdii Warqada ka soo baxday Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in uu saxiixay xil ka qaadistaan, ayna dhaqan gashay.

Dhinaca kale warqad kasoo baxday Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa lagu shaaciyay in ay dhaqan gashay Wareegatada kasoo baxday Xafiiska Raysal Wasaare Xamse ee xilka looga qaaday guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed HDRS.

SHARE

LEAVE A REPLY