Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka itoobiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Addis Ababa, Bahardar Itoobiya iyo magaalada Jigjiga ee Caasimada Soomaali Galbeed.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu safarkiisa ugu horreeya ee Itoobiya uu ku tegayo magaalada Addis Aaba ee Caasimadda Itoobiya, kadibna uu safaro ku gaarayo magaalooyin kale, sida uu qorshahu yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar iyo mas’uuliyiin, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan Gobolka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inta uu socdaalka ku marayo magaalooyin kamid ah Itoobiya inuu la kulmao Soomaalida kunool caasimadda Addis Aaba iyo magaalada Jigjiga.

SHARE

LEAVE A REPLY