Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgalada xoreynta Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ay ka bilaaban doonaan deegaanada maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in howlgaladii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka bilaabeen deegaanka Basra iyo deegaanada kale ee ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iney haatan usii talaabeen deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dhawaan ciidamada ay xureyn doonaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin kooxda Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay raysal wasaaraha Soomaaliya in haatan abaabulkii ugu dambeeyay ay ka socdaan deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, islamarkaana Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dardar galinta howlgalada lagula dagaalamayo ciribtirka Ururka Al-shabaab.

“Dagaalkii ka billawday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruunirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga billaabanaya howlgallada xorreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka horay usoo socosho mooyee ma jiri doonto dib u socosho ilaahey idinkiis” ayuu yiri Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan ayuu Raysal wasaaraha Soomaaliya Xalay ka sheegay munaasabad casho sharaf iyo soo dhaweyn aheyd oo uu u sameeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda dalka Mareykanka oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY