Qodobo kuu kala cadeynaya Xaaska wanaagsan iyo mida xun

0

Nin Reer Miyi ah ayaa la weydiiyey Haweenka Midda ugu Fiican?, wuxuuna ku jawaabay sida tan:- Haween Midda Ugu Fadliga Badan:-

1- Waa Midda Runta Sheegto kolka ay Hadleyso.

2- Waa Midda Haddii ay Qosleyso Dhoola Caddeysa.

3- Waa Midda Haddii ay Shey Farsameyneyso Qurxisa.

4- Waa Midda Gurigeeda Joogteyneysa, Sowjkeeduna aanan ku Caasin.

5- Waa Midda Tolkeeda Dhexdiisa ay tahay Mid la Sharfo.

6- Waa Midda Arinkeeda oo idil lagu Mahdiyay.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ma idiin Sheegaa Haweenka Jannada Ehelkeeda ah: kuwa Ragga Jecel, u Maseeraaya Ragooda, waa Midda Kolka ay Dhib geysato mise iyada la Dhibo Timaada Gacanta Sowjkeeda Qabsata, ka dibna tiraahda: Wallaahi Indhaha isu geyn maayo, ilaa aad iga Raali Noqotid, (Taasi Janada Dhexdeeda bey ahaatay) Saddex jeer ayuu ku Celceliyay.

Haddaba, isla Ninkii Reer Baadiya ayaa la weydiiyey Haweenka kuwa ugu Xun, wuxuuna yiri, Haween Midda ugu Sharta badan waa:-

1- Waa Midda Jirada isku rida, Carabka Dheer (Qeylida badan).

2- Waa midda Ooysa Sabab la’aan, hadalkeedana waa Hanjabaad.

3- Waa Midda Wanaaga Daboosha, Xumaantana Faafisa.

4- Waa Midda Hadduu Zowjkeeda yimaado baxda, Hadduu baxana joogta.

5- Wa Midda Ooysa iyadoo Gardaran, waxeyn marag furi iyadoo Gardaran.

6- Waa Midda Illinteda u daadata Faajirnimo, oo Alle baa ku imtixaamay Hoog iyo Halaag.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

SHARE

LEAVE A REPLY