Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay qarax Ismiidaamin oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisa lagu sheegay inuu ahaa Noha, kaasoo ka dhacay agagaarka goob fariisin u aheyd ciidamada dib u xureynta deegaanka oo ku taala bartamaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan Ismiidaaminta ah waxaa ku geeriyooday Talihihii CID-da Saldhigga Booliiska degmada Baledweyne Jamaal Axmed Jaamac, waxaana dhaawac uu soo gaaray 2 qof oo ka mid ah ciidamada dib u xoreynta deegaanka.

Ciidamada amniga degmada Halgan ayaa la sheegay in gaariga qaraxa lagu fuliyay ay ka arkeen meel ka fog oo ay rasaas ku fureen, taasi oo keentay in qofkii gaariga qaraxa lagu fuliyay waday uu halkiisa isku qarxiyo, isagoo aanan gaarin xarunta taliska ciidamada dib u xoreynta deegaanka ku lahayeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo bartilmaameedkiisu aheyd.

Maalin ka hor ayay aheyd markii kooxda Al-shabaab qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay u adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ka geysteen degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad gaaraya 30 ruux, iyadoo dhaawacana uu kor u dhaafay 50 ruux oo dhamaantood u badnaa dad shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY