Qarax dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay agagaarga degmada Mahadaay

0

Inta la xaqiijiyay sadax ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday miino kula qaraxday meel u dhaxeysa magaalooyinka Buurane iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadkan shacabka ah ee miinada la qaraxday ayaa saarna Mooto Bajaaj, waxayna isugu jireen laba rag ah oo midkood uu ahaa darawalka Mooto Bajaajta iyo qof dumar, waxaana la sheegay iney kusii jeeday deegaanka Buurfuule oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Goobta uu qaraxaan miino ku haleelay Mooto Bajaajta ay ku dhinteen sadaxda ruux ee shacabka ah ayaa sidoo kale waxaa meel aanan ka fogeyn sadax maalin ka hor miino ay kula qaraxday gaari Cabdibile ah oo saarnayeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Waxaana ku dhintay qaraxaas miino ee la kacay gaariga Cabdibilaha ahaa laba askari iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, iyadoo masuuliyada qaraxaasina ay sheegteen Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY