Qaramada midoobay oo si kulul u cambaareysay 20 gabdhood oo Gudniinka Fircooniga loogu sameeyay Kismaayo

0

Hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista dadka, gaar ahaan xaquuqda haweenka ayaa si kulul u cambaaraysay ilaa 20 gabdhood oo hal maalin magaalada Kismaayo loogu sameeyay gudniinka Fircooniga ah, kaasoo sababay dhaawac iyo dhiig bax xoogan oo gaaray gabdhahaasi.

Gabdhahaan ayaa la sheegay iney la dhibaateysan yihiin gudniinka Fircooniga ah ayaa ah kuwa aad u da’yar, islamarkana aan bixin karin ogolaansho la xariirta nooca gudniinka ay doonayaan.

Dhacdadaan ayay hay’adda UNFPA ku tilmaamtay iney tahay mid aad looga naxo oo meel ka dhac ku ah xaquuqda gabdhahan yar yar ee lagula kacay Gudniinka Fircooniga ah.

“Gudniinka Fircooniga ah waa xad-gudub aad u weyn oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, nooc xun oo xadgudub ku salaysan jinsiga, iyo arrin halis ah oo ilaalinta carruurta ah. Waxay u geysataa haweenka iyo gabdhaha dhibaato jireed iyo mid nafsiyeed oo aan laga soo kabsan karin. Waxaa murugo leh, abaarta iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo waxay kordhiyeen khatarta ay la kulmaan gabdhaha Soomaaliyeed dhaqankan, Waxaan garab taaganahay hablaha yar yar ee ay waxyeeladu ka soo gaadhay dhacdadani, waxaanan cambaaraynayaa falkan foosha xun ” ayuu yiri Wakiilka Hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Ojuolape.

Hay’adda UNFPA ayaa Xukuumadda ugu baaqday inay qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkan, si looga hortago dadka kale, loona ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha yar yar.

SHARE

LEAVE A REPLY