Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Jowhar

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan magaalada Jowhar.

Marxuumka dhintay ayaa sidoo kale ka mid ahaa howlwadenada shirkadda isgaarsiinta Hormuud xarunteeda magaalada Jowhar, waxaana dilkiisa uu dhacay isagoo kasoo baxay Masaajid uu ku Tukaday Salaadii Cishaha.

Dableyda fulisay dilka Nabadoonka oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen marxuumka, waxaana daqiiqado kadib tagay goobta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle oo baaritaano kooban halkaasi ka sameeyay, hayeeshee majirto wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Marxuumka dhintay, isagoona xusay in marxuumka inuu kaalin mug leh kasoo qaatay dhismahii maamulka Hirshabeelle uuna kasoo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha bulshada iyo Midnimada Ummadda.

Gabagabadii madaxweyne Guudlaawe ayaa Eebe uga baryay marxuumka dhintay inuu ugu deeqo naxariistiisa Janno samir iyo iimaana kasiiyo qoyska, qaraabadii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Marxuumka.

SHARE

LEAVE A REPLY