Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Zwide township oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrka ayaa sheegaya in halkaasi burcad hubeysan ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo gaabiyay Najiib.

Marxuum Najiib ayaa la sheegay in xiliga burcada ay dilayeen uu ku guda jiray howlahiisa shaqo oo aheyd wareejinta Rooti uu geyn jiray goobaha ganacsiga ee Soomaalida ku leedahay dalkaasi, waxaana xiliga la dilaayey marxumka uu watay gaarigiisa.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhex dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani oo hoostagta magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Todobaadkan gudahiisa waxaa magaaloyin ku yaala dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi u tagay iney ka ganacsadaan, waxaana mudooyinki dambe sii kordhaayay dhacdooyinka la xiriira dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geeysto goobahooda ganacsi ee ku yaala dalka Koonfur Afrika, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dilalkaas loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY