Mid ka mid ah dhaqaatiirka Soomaaliya ugu Caansan oo Maanta geeriyooday

0

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr. Ahmed Mahdi oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta sida weyn looga yaqiinay Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada maamulka Galmudug.

Allah u naxariistee Dr Ahmed Mahdi ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ahaa ee daaweeya Cudurada neef mareenka ku dhaco.

Dr Ahmed Mahdi ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi waqti badan galiyay samata bixinta bulshada reer Galmudug, islamarkaana ahaa shaqsigii ka dambeeyay in dib loo howlgaliyo Isbitaalka guud ee gobolka galgaduud.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku xanuunsanaayay mudooyinkii dambe magaalada Gadoon ee gobolka Galgaduud, kaasoo ugu dambeyn Maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY