Meydad iyo hub farabadan oo laga furtay Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Deegaanka Ceelhareeri

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo Shalay dagaal culus kula galay Al-shabaab deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan ayaa Maanta deegaankaasi kusoo bandhigay meydadka xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab iyo hub ay sheegeen iney ku furteen dagaalkii Shalay.

Meydadka iyo hubka laga furtay Shabaab ee Maanta ciidamada iskaashanaya kusoo bandhigeen deegaanka Ceelhareeri ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay maanta shaacisay in Al-shabaab dagaalkii shalay looga dilay in ka badan 100 dagaalame.

Dagaalka Shalay ka dhacay Ceelhareeri ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay iney barbar socdeen duqeymo xoogan oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Shabaab ee ku sugneyd deegaanka Ceelhareeri oo la tilmaamay in halkaasi ay isku aruursanayeen.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxaa maalmahii dambe ka socday howgalo culus oo ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidanka dowladda oo la dagaalamaya Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay Maanta Al-shabaab kala wareegeen ilaa lix deegaan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY