Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday 36 nin oo ajaaniib ah

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta xukun adag ku riday 36 eedeysane oo ajaaniib ah oo maalmahii lasoo dhaafay Maxkamadu ay ku mashquulsaneed dhageysiga dacwada loo heysto oo ah iney si sharci daro ah uga kaluumeysteen xeebaha Soomaaliya.

Ragaan ajaaniinta ah ee Maanta xukunka lagu riday ayaa u kala dhashay dalalka Iiraan iyo Pakistaan, waxaana laga soo qabtay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo watay doomo ay kaga kaluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Maxkamada gobolka oo sadax jeer u fadhiisatay dhageysiga dacwada ragaan ajaaniibta ah ayaa ugu dambeyn Maanta ku xukuntay ragaan midkiiba inuu bixiyo lacag gaareysa 11 kun oo dolar oo ganaax ah iyo 30 kun oo dolar oo ah magdhawga Kaluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya oo ay geeyeen dalka Cumaan 29-11 2022-kii, sida ay Maxkamadau sheegtay.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay laba doomood iyo qalabkooda Kaluumeysi oo ay wateen ragaan ajaaniibta ah.

“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan ku siman inta sharciga uu tilmaamay. xukunkan waa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 06-06-2023-ka, wa billaahi towfiiq” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiye Saalax in xukunsanayaasha ay haystaan fursad kale oo ay racfaan kaga qaadan karaan hadii aysan ku qanacsanen xukunka Maxkamadda.

Si kastaba ha ahaatee ragaan ajaaniibta ah ee xukunka ku dhacay ayaan la ogeyn sida ay ugu fududaan doonto bixinta lacagtaasi lagu xukumay, waxayna sidoo kaleĀ  Maxkamadda gobolka uga digtay ajaaniibta kale ee badda Soomaaliya sida sharci darrada uga kaluumeeysta in ciqaab adag la kulmi doonaan.

SHARE

LEAVE A REPLY