Maxkamada ciidamada qalabka sida oo maanta xukun ku riday askartii ugu badneyd

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa go’aan ka gaartay kiis dacwadeedka loo heystay 13 Askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo xiligaas ku qornaa Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa la dhageystay kiiskooda iyada oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida la horgeeyay Marqaatiyaal, qaar kamid ah dhibbanayaasha goobta wax ku noqday & caddeymo muujinaya muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sarre Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamaddu ka gaartay ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidankaas lagu helay dacwadda lagu soo oogay.

Shaqaaqada dhacday 27kii Febaraayo 2023 ayaa noqotay arrin tan iyo xilligaas la sugayay in go’aan ay ka gaarto Maxkamadda Ciidamada qalabka sida maadaama dad dhibbane u ah ay tegayaan xafiiska xeer ilaalinta.

Cabdulqaadir Xasan Cabdulle oo ku magac dheer (Sheelari) waa Gaandhariga Gaari noociisu yahay Toyoto Balse loo garan ogyahay ‘Cabdi Bile’ waxaa loo heystaa in uu dilay 6 qof halka uu dhaawacay 4 kale.

Dadka uu Sheelari dilay ayaa kala ah:
1-Ilhaan Cabdijamaal Makki oo ah Hooyo Uur 2 bil ah lahayd ahna Ardayad Jaamacadeed.
2-Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Wade Gaari.
3-Ilyaas Axmed Nuur, 4-Ayuub Daa’uud Xuseen, 5-Cabdiqadar Maxamed Xuseen oo ahaa Bajaajle-yaal iyo 6-Isxaaq Xuseen Maxamuud.

Waxaana intaas u dheer in uu dhaawac halis ah gaarsiiyay illaa 4-ruux halka khasaara maaliyadeed uu geystay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta dadka uu nafta dhaafiyay sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.

Askariga xigay waa Axmed Mire Cismaan Fiidow (Dhega-weyne), Maxamuud Cabdi Maxamed-nuur (Abooto-koris) & Cabdullaahi Cismaan Isxaaq (Boorow) waxa ay ku eedeysan yihiin in ay dileen Cabdullaahi Maxamuud Hoobley & Daahir Xuseen Axmed oo ahaa Illaalada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo qudhiisa dhacdadaan ku dhaawacmay, maxkamaddu ayaa ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa intaas kaddib u gudubtay kiiska loo heysto Askar kale oo katirsan Ciidanka ku noqnaa ilaalinta barta laga hubiyo Gaadiidka ka gudba Isgoyska Siinaay gaar ahaan dhanka Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame & Sayid Cali Cabdullaahi Shiine ayaa lagu xukumay min 5-sano oo Xabsi ciidan ah maadaama ay ku kala eedeysnaayeen in midkood uu billaabay xabadda halka kan kale uu isku dayay in uu marin habaabiyo Xeer Ilaalinta sida lagu sheegay go’aanka xukunkooda loo cuksaday.

Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xirsi Geedi iyo Maxamed Cali Cabdullaahi oo min 3-sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay ayay Maxkamaddu Ciidamada Qalabka sida sheegtay in loo cuksaday qarin dambi oo ay sameeyeen, caga-jugleyn & in ay u dhaqmeen qaab ka baxsan anshaxa ciidanka sida hadalka loo dhigay.

Maxakamdda Ciidamada Qalabka sida ayaa sii deysay Axmed Maxamed Axmed (Macallinka) oo wax dambi ah lagu waayay kaddib markii baaris lagu sameeyay sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa marar kala duwan xukunno kala duwan ku ridday Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, xubno katirsan AS, Daacish iyo Dad kale oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kiisas kala derajo duwan.

SHARE

LEAVE A REPLY