Maxkamada Ciidamada Qalabka oo amar duldhigtay ciidanka ku sugan Ceeldheer

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa digniin u dirtay Ciidanka Dowladda Federaalka ee ka howlgallada Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud DG Galmudug si aanay dhibaato u gaarsiin Dadka rayidka ah iyo ciidamada dhexdooda.

Ciidamada howlgallada wada ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax weliba oo dambi ka dhalan kara isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran howlaha loo igmaday waa sida uu hadalka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS Galmudug Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Kayse.

Ilaalinta Amniga, Anshaxa Ciidanka iyo Dadka ayuu Xeer ilaaliye Kayse ugu baaqay in xoogga saaraan saraakiisha & Ciidamada ku sugan guud ahaan Deegaannada DG Galmudug gaar ahaan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Kayse Saraakiisha Ciidamada Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS DG Galmudug ayaa sheegay in xabadaha aan ujeedka loo rideen la joojiyo si aanay welwel loo gelin dadka deegaanka.

“Askarigii dambi galo isla xerada ayaa lagu maxkamadeynaa, Ciidanku waxa uu leeyahay saddex buug oo anshaxa askariga ku xusan, Askarigii dambi gala ee aad soo qaban weysaan idinkaa u xiran” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS qaybta Galmudug.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xafiisyo kala duwan ka furatay Degmooyinka iyo Deegaannada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Federaalka si loola xisaabtamo askarta geysata dambiyada kala duwan.

SHARE

LEAVE A REPLY