Maxaa Maanta ka jira gobolka Galgaduud oo aadan ogeyn

0

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo xooggan kawada deegaanno katirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa hoostaga Magaalada Masagawaay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaaladaan shalay ka dhacay dagaalka dhexmaray Ciidamada Federalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka iyo dagaalamayaal katirsan Shabaab oo weeraray.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska ah iyo askarta tababarka kusoo qaatay Dalka Eretareeya oo ay la socdaan kuwa deegaanka ayaa tegay tuulooyin hoostaga Magaalada Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud looga hortagayo weerarada Shabaab, isla markaana ciidamada saldhigyo cusub uga sameysanayaan deegaanno cusub.

SHARE

LEAVE A REPLY