Maxaa kasoo kordhay xaalada deegaanka Masjid Cali Gaduud oo dagaalo kulul ka dhaceen

0

Ciidamada dowladda federalka iyo kuwa beesha Mudulood oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay tuulada masaajid Gaduuud, kadib dagaal xooggan oo shalay galab halkaasi ka dhacay.

Alshabaab oo markii hore faarujiyay tuulada ayaa waxyar kadib kusoo qaaday weerar culus, balse ciidamada ayaa si adag isaga caabiyay oo ku guulaystay inay ka gacan sarreeyaan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Axmed Daaci oo la socda ciidanka, ayaa sheegay in ay hal gaari ka gubeen Alshabaab ayna ka laayeen tiro badan oo dagaalamayaal ah.

Ma sheegin khasaaraha dhinaca ciidamada dowladda. Wuxuuse sheegay in dagaalku islasoo gaaray gabbal dhacii shalay, islamarkaana wuxuu sheegay inay Alshabaab aad ugu jabeen dagaalka.

Tuulada masaajid Cali Gaduud ee Shabeellada dhexe waxay ahayd degaannada Alshabaab ku xooganaayeen. Waxay dhowaan kusoo bandhigeen ciidamo kasoo jeeda beesha Mudulood, kuwaas oo ay sheegeen inay difaacayaan tuuladan.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaladda ayaa saakay degen, iyadoo ciidamada dowladdu isku diyaarinayaan inay qaadaan howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY