Maxaa kasoo kordhay weerarkii Galcadbee khasaaraha badan geystay

0

Waxaa Maanta degan xaalada deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo shalay subaxnimadii hore ay ka dhaceen weerar khasaaro badan geystay, waxaana saakay halkaasi howlgalo baaritaano ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka Shalay subaxnimadii hore ka dhacay deegaanka Galcad oo ku bilaawday qaraxyo Ismiidaamin ah oo uu xigay dagaal toos ah ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed oo loo yaqiinay Xasan Tuure, waxaana geerida Taliyahaasi iyo dadkii kale ee la dhintay ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku sheegtay warsaxafadeed kasoo baxay in weerarka ka dhacay Galcad ay kaga dhinteen 7 askari uu ku jiray Taliye Xasan Tuure, hayeeshee Al-shabaab weerarkaasi looga dilay 100 dagaalame, islamarkaana laga burburiyay ilaa 5 gaari oo ahaa nooca tiknikada ah ee qoryaha saaran yihiin.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhankooda baraha ay ku leeyihiin internetka waxay ku sheegteen in weerarkii shalay ay ku dileen 159 ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya, hayeeshe ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac tirada ay weerarkaasi isaga dileen.

Al-shabaab ayaa bishaan kaliya deegaano iyo degmooyin ka tirsan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ka fulisay in ka badan 10 qarax oo dhamaantood ahaa Ismiidaamin loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo ay qaarkood ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY