Maxaa kasoo kordhay kiiska Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Canada

0

Soomaali aad u farabadan ayaa isku soo bax balaaran ka horsameysay Aqalka dowladda Hoose ee magaalada Ottawa ee dalka Canada, kuwaas oo Cadaalad u raadinaayay Hodan Xaashi oo aheyd 23 jir oo haweney kale ay ku dishay 5-tii bishaan Nofembar 2022 dalkaasi Canada.

Isku soo baxayaasha oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa watay boorar ay ku qornayeen, waxaan u baahanahay inaan Caddaalad u helno Hodan Xaashi, Caddaalad la’aan waa nabad la’aan iyo ereyo kale oo ay ku muujinayeen sideey ugu xun yihiin dilka loo geystay gabadha Soomaaliyeed.

Khadiija Al-Hilaali oo ka mid ah hoggaanka bulshada dalka Canada ayaa sheegtay in dowladda Canada ay ka sugayaan in caddaalad loo helo dilka Hodan Xaashi, iyadoona intaasi ku dartay ka bulsho ahaan iney sii wadayaan dibadbaxyada ay caddaaladda ku dalbanayaan.

Qaabka uu u dhacay dilka Hodan Xaashi oo fasiraad kala duwan laga bixiyay waxaa lagu sheegay in Haweeney ay saaxiibo ahaayeen ay dishay kaddib markii uu dagaal dhexmaray, waxa ay ku dhufatay dhalo (Quraarad) sababtay in ay dhiig-baxdo kadibna dhimato.

Saraakiisha dambi baarista Canada oo la wareegay kiiskaan ayaa sheegay in ay dabagal ku sameyn doonno qaabka uu fal dambiyeedkaan u dhacay iyaga oo dib u daawanaya Muuqaallada ay duubeen kaamirooyinka loo yaqaan CCTV.

SHARE

LEAVE A REPLY