Maxaa kasoo baxay shir xasaasi ah oo ka dhacay degnada Maxaas

0

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa Maanta shir looga hadlaayay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo amniga guud ee gobolka Hiiraan ku yeeshay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo maalintii Shalay aheyd gaaray intooda badan degmada Maxaas.

Masuuliyiinta shirka amniga ku yeeshay magaalada maxaas waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwa Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Maxaas.

Shirka ayaa diirada lagu saaray muhiimada ay leedahay dhameestirka howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan Hiiraan iyo sidii loo sii xaqiijin lahaa amaanka deegaanada lagala wareegay Ururka Al-shabaab, islamarkaana loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman dagaalka.

Shirka oo goordhaw soo gabagaboobay ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 6 qodob oo dhamaantood quseeyay sidii looga guul gaari lahaa dagaalada ka dhanka ah shabaab, waxaana gabagabadii shirka la magacaabay guddi ka kooban afar xubnood oo ka shaqeynaya dhanka dhaqaalaha iyo taakulada ka imaaneysa gudaha iyo dibadda, iyadoo guddoomiye looga dhigay Cali Jeyte Cismaan.

Guddiga afarta xubnood ka kooban ee gabagabada shirka Maanta ka dhacay Maxaas lagu magacaabay ayaa kala ah guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Ibraahin Sheelare.

SHARE

LEAVE A REPLY