Masuul ka tirsan maamulka degmada Afgooye oo la dilay

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay ku dilay Xaafada Xaawa taako ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose guddoomiyahii Dhalinyarada degmada, islamarkaana ahaa guddoomiye Waaxeedka Xaafada Xaawa taako Maxamed Xaaji Xasan.

Dilka guddoomiyaha ayaa la sheegay iney geysteen sadax nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo marxuumka ku dilay Xaafada Xaawa taako ee degmada Afgooye, islamarkaana si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen Allah u naxariiste marxuum Maxamed Xaaji Xasan oo ka mid ahaa maamulka degmada Afgooye.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay dilka guddoomiyahii Dhalinyarada Afgooye ahaana guddoomiye waaxeedkii Xaafada Xaawa taako ee degmadaasi Maxamed Xaaji Xasan oo uu ku tlmaamay inuu ahaa nin dhalinyara ah oo fir fircoon kaalin muuqatana kula dhanka nabadda.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Maxamed Cismaan.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay falalka la xariira amni darida iyo dilalka qorsheysan.

SHARE

LEAVE A REPLY