Mareykanka oo shaaciyay magacyada shanta horjooge ee gacanta ku haysa Kooxda Shabaab

0
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay k dartay liiska argagixisada Caalamiga ah shan ka mid hoggaamiyeyaasha ugu qatarta badan Al-shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay iney garab taagan tahay dadaalada dalalka Bariga Afrika iyo Midowga Afrika hoggaaminayaan ee lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab oo ay Mareykanka ku sheegtay iney ka mid yihiin kooxaha ugu halista badan Al-Qaacida.
Shanta horjooge ee dowladda Maraykanka ku dartay liiska argagaxisada caalamiga ah ayaa ah kuwa aan hore xog badan looga heyn, hasa ahaatee bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay iney yihiin shaqsiyaadka sida buuxda gacanta ugu haya Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay dowladda Mareykanka kusoo rogtay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo.
Shanta xubnood ee lagu magacaabay bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu kala ah Maxamed Mire oo ah hoggaamiye sare oo Al-Shabaab u qaabilsan dhanka go’aan gaarista istiraatijiyadeed ee kooxda, wuxuuna hoggaamiyaa garabka arrimaha gudaha ee kooxda Shabaab, isagoo dusha kala socda dhaqdhaqaaqyo badan oo kooxdan ay ka wado Soomaaliya.
Yaasir Jiis oo isna la sheegay inuu yahay horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ah taliyaha garabka hubeysan ee Jabhadda, kaasoo fuliya dhamaan howlgallada iyo weerarrada Kooxda ay geysato.
Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow oo loo yaqaano Gees Cade ayaa isna la sheegay inuu yahay madaxa garabka sirdoonka Al-Shabaab ee amniyaadka, kaasoo door muhiim ah ka qaata fulinta weerarrada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.
Mustaf Caato ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan amniyaatka Shabaab, una qaabilsan xiriirinta iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana uu gacan ka geystay qorsheynta weerarro lagu qaado bartilmaameedyada Kenya iyo xarumaha ciidamada Mareykanka ee Kenya.
Shaqsiga shanaad oo ah Maxamuud Cabdi Aadan oo la tilmaamay inu yahay horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inuu qeyb ka ahaa kooxdii qorsheyneysay weerarkii Hotel Dusit2 2019, kaasoo k yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
SHARE

LEAVE A REPLY