Mareykanka ayaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ku eedeeyay in uu xoojinayo xifaaltanka adag ee la xiriira dhinaca sirdoonka kaddib markii Saldhig Sirdoon uu ku sameystay Dalka Cuba oo deris la ah Mareykanka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Shiinuhu uu sanadkii 2019kii Cuba ka sameystay Xarumo Sirdoon oo horumarsan si uu Mareykanka u tusiyo in deriskiisa uu xarun ku leeyahay.
Blinken ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Joe Biden lagu wargeliyay xarumahaan Sirdoon ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay ka hirgelisay Dalka Cuba si looga feejignaado dhaqdhaqaaq weliba oo dhinacaas uga imaan kara Washington.
Shiinaha ayaa ku howlan sidii uu u furfuri lahaa xargaha adag ee Mareykanka ku guntaday waddamada Yurub, Ameerika, Afrika iyo kuwa Carabta si uu u muujiyo awoodda uu u leeyahay sida uu saaxiib uga dhigan karo.
Tartan dhanka Dhaqaalaha, Militariga iyo Ganacsiga ah ayaa ka dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, labada dhinac ayaa ku loolamaya dalalka ay u arkaan in ay laf dhabar u noqon karaan dhaqdhaqaaqooda si dhanba dhanka kale uu uga guuleysto.