Mareykanka oo duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

0

Taliska ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africom ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka jubbada hoose.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in Taliska Mareykanka ee Africom uu kaga falcelinaayay weerar kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa deegaanka Libikus oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Africom ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka loo fasay iney weeraro dhanka cirka ah ku difaacaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliska ayaa sheegay in duqeynta diyaaradeed ay ku dileen laba xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Saldhiga ciidanka dowladda ee deegaanka Libikus.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay  ineysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeynta ka dhacday deegaanka Libikus ee gobolka Jubbada Hoose, Mareykanka ayaa sidoo kale xusay iney ka go’an tahay sii wadista duqeymaha ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY