Mareykanka oo 10 Milyan duldhigay Madaxa Sarkaal ka tirsan Shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney ku bixineyso xogta iyo madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lacag dhan $10 Milyan oo doolar.

Maxamuud Cabdi Aadan ayaa ku eedeysan inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit D2 oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana weerarkaas oo ahaa mid ku bilaawday qaraxyo oo uu xigay dagaal toos ah uu qaatay soo afjaridiisa mudo ku dhaw 24 saacadood.

Weerarkaas ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dad gaaraya 22 ruux oo lagu daray 5 ka mid aheyd kooxdii weerarka fulisay, waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in muwaadiniin uga geeriyootay weerarkaas dhacay 15-kii illa 16-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2019, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay ay dowladda Mareykanka ku howlaneyd raadinta dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Danjiraha Mareykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa sheegay in Washington ay ka go’an tahay bixinta lacagta abaalmarinta si loogu dhiirageliyo muwaadininta heli kara xogaha dadka bartilmaameedka ah ee ku eedeysan weerarkii Hotel Dusit D2.

“Waxaan Maanta ku dhawaaqayaa abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doollar cidii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2″ ayay tiri Safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista Kenya DCI Amiin Maxamed Ibraahim ayaa dhankiisa sheegay in xogta dadka ku eedeysan dhibaatooyinka ka dhacay dalka Kenya lagu raad joogo si loogu maxkamadeeyo marka lasoo qabto.

SHARE

LEAVE A REPLY