Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay hal arrin uu ka faa’iday howlgalada ka dhanka ah shabaab

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, dowladdu inay taageero ballaaran ku heshay dagaalka ku qaaday Alshabab ee looga xoreeya degaano badan oo ku sugnaayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in adduunku uu usoo jeedsaday taageerada Soomaaliya, kaddib markii Dowladda xooggeeda ay galisay dagaalka Alshabaab.

“Waad aragteen dagaalka Alshabab xooggeenuu ku yimid, haddaan xoog islaameed sugi lahayd, nooma imaadeen. Markaan xooggeenii la dhaqaaqnay, kaalmo badan oo caalamiyaan helnay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay caalamka inuu u taageeri waayay Soomaaliya sababa ka xiriira gaabiska dowladda ee ah in aysan hormuud ka ahayn dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay fursadiisa labaad ee hoggaaminta dalka inuu ku bixindoono sidii dalka looga sifayn lahaa Alshabaab, si ay Soomaaliya mar kale cagadaheeda ku istaagi lahayd.

SHARE

LEAVE A REPLY