Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ururka haweenka qaranka kala hadlay dagaalka Al-shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo Shabaab.

Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.

Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.

Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY