Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiska doorashada dalka

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka ee Xalay saqdii dhaxe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan sheekh oo shirjaari’id Maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya isagoo ay dhinacyadiisa ay taagnayeen Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah madax dowlad goboleedyada dalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiska ay golaha wadatashiga ka gaareen doorashooyinka dalka.

“Dalkaan waa guuray doorasho qof iyo cod ah, waxaan aheyn kama dhacayso, wax kasta oo aan ku gaarayno waan sameynaynaa, oday wax soo xulaya, 50 qof oo wax dooranaysa, 101 qof oo wax dooranaya, maamulo yar yar oo dawlad gobaleed baan ka imaanaynaa waxaan u soconaa dadka, qofkii xilka dalkaan rabaa shacabka ha weydiisto codka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha iney bilaabayaan hergilinta doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Soomaaliyeed kusoo dooranayaan hogaanka heer degmo ilaa heer Madaxweyne.

“Dowladaha Hoose ee degmooyinka laga soo bilaabo, ilaa madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu keeno muwaadinka Soomaaliga ah inuu doorto oo sanduuq cod ugu rido ayaan rabnaa, Shacabka Soomaaliyeed ayay u taallaa anaga waan billownay, iyagaa loo soo bandhigayaa Baarlamaanadooda ayaa la horgeynayaa, bulshadooda rayidka meel walba ayaa looga hadlayaa, dadka Soomaaliyeed waxa ay rabaan ayaa soconaya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameysay arrimaha deyn cafinta iyo dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY