Madaxweyne Xasan oo Xukuumadda Federaalka faray in ay soo dhisto xubnaha GMDQ & Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha & Federaalka.

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xukuumadda uu Wasiirka 1aad ka yahay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre faray in ay soo dhisto Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) & Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF).

Xaanshi kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu dhammeystay muddo xileedkiisa oo 6 sano isla markaana Dastuurka aanay u ogoleyn in loo cusbooneysiiyo.

Xukuumadda Federaalka waxaa horyaalla in ay soo dhisto Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu uga shaqeeyo sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho Dadweyne.

Go’aanka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku buriyay Ansixinta sharciga wax ka baddelka Qodobada lagu dhisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Kan Xuduudaha iyo Federaalka ayaa yimid kaddib markii Golaha Aqalka Sare BJFS in ansixintaas dhacday 31kii December 2020 kahor khilaafsan tahay habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo.

“1-  Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2-  Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3-  Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya”.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY