Madaxweyne oo si kulul uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa sheegay in aysan waxba ka qusaynin heshiiskii  golaha wadatashiga qaranka ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasoo wax looga beddelay qaab dhismeedka dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa arrin khatar ah ku tilmaamay qaab dhismeedka lagu heshiiyay, isagoo ka digay in wax aan lagu heshiisinin oo bulshada laga talo galin, lagu dhaqaaqo.

Deni waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku xadgudbayo awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay tan iyo markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay inuu ku tagri falayay awoodihii xafiiska raysal wasaaraha dalka.

“Xafiiska la leeyahay waala baabi’iyay, suuragal ma aha, cid aan dadkeeda ahayn iyadoo lagala tashan in la iska baabi’in karo, waana ka xumahay kuwa qeybta wax kaleh ee meesha fadhiyay sida ay u aqbaleen ama ula qaateen,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.

“Soomaaliya sida ay hadda wax ku socoto waxaad moodaa inay ka leexatay waddadii qaanuuniga ahayd. Puntland na way caddeysay mowqifkeeda ah, iyadoo raacaysa dastuurkeeda iyo kan Dowladda federalka, inay si gaar ah u dhaqmayso inta laga helayo miyir qab iyo wax heshiis lagu yahay,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inuu guddi u saaray mowqifka Puntland uga degsan heshiiskii doorasho ee Muqdisho lagu galay, isagoo sheegay in bulshada iyo axsaabta mucaaradka laga qeyb galindoono taladeeda.

SHARE

LEAVE A REPLY