Madaxweyne Madoobe Tareenka wuu socda mana istaagayo

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dowladda federaalka ay guul ka gaartay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madoobe oo khudbad ka jeediyay casho sharaf uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir laguna qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayuu ka sheegay in ay sugayaan bilaabista wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in goordhaw la’isku furin doona Muqdisho illaa Kismaayo.

“In maanta Waqooyiga Magaalada Muqdisho la’isku furay illaa Puntland lagu socon karayo, waxa aan sugaynaa waa wajiga labaad in aan qaadanno oo ay noqoto wixii Muqdisho ka xiga Koonfur in aan iyada isku furno, gaawirada ay socoto, dalka aan AS ka xorreyno,” waa sida uu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisu Wasaare Xamse Cabdi Barre ku bogaadiyay taallaabada ay qaadday Dowladda ee ahaa dagaalka la dhanka ah Al-Shabaab, oo uu sheegay in laga gaaray natiijo wamaagsan.

Dhanka kale Mr. Madoobe oo mar ka hadlay habraaca doorashada ay ku dhawaaqeyn Golaha Wadatashiga Qaranka ayuu yiri, “Dad weyne, qofkii wax sheegayo ha sheego, wixii aan gacanta ku haynay oo nagu xamaneyseen in guryaha aan ku soo qoraneyno oo wixii aan rabno la’imaaneeno oo aad leheedeyn waa la yaqaanaa baa idinka nii keeneynaa, qofkii wax idin qabanaya hortiina wax haka sheego.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa mucaaradka ugu baaqay in ay dad weynaha soo hor istaagaan, “Cidii dood qabta bal intii si furan dadweynaha u soo hor istaagto ha tiraahdo ciladdaa baa ii muuqaneysa, qofkasta oo isku daya in uu hor istaago ma kari karo, sababtoo ah dadkii way dhaqaaqeyn, Tariinkii wuu soconayaa, talada gacanta shacabka ayey ku wareegeysaa.”

Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha kaliya ee xilka ugu sarreeya Dowlad Gobaleedka ku soo laabta ayaa dad badani waxa ay ka dhowr sugayaan sidii u hirgalin lahaa doorashada qof iyo cod iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli deegaano dhawr ah oo ka tirsan Jubbaland ay ka maqan yihiin gacanta dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY