Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo war kasoo saaray khilaafka Canshuurta Hiiraan

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan khilaaf xoogan oo dhinaca Canshuurta ah oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo  Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle.

Khilaafkaan ayaa ah mid salka ku haayo hanaanka loo maamulayo Canshuurta gobolka Hiiraan oo ay Hirshabeelle ku  dooneyso iney lacagahaasi Canshuurta ah ku dhacaan qasnada Wasaaradda Maaliyadda maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, iyadoo taasina uu si cad uga horyimid guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa  sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu qalqal ku yimaado dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Yuusuf Dabageed ayaa faray Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle in Canshuurta gobolka Hiiraan loo qaado hanaankii horay loogu qaadi jiray Canshuurta gobolka Hiiraan inta laga xalinayo khilaafka taagan.

Warkaan kasoo baxay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya, iyadoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana la ixtiraamo sareynta sharciga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle:-

SHARE

LEAVE A REPLY