Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland & sababta

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni Ayaan sidaan u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

1- Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.

2_ Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

SHARE

LEAVE A REPLY