Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Maanta xariga ka jaray Akadamiyad goboleedka Af Soomaaliga

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaci Cumar Geelle ayaa Maanta si wadajir ah waxay xarigga ugu jareen xarunta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, islamarkaana lagu sii horumarinaayo afka Soomaaliga.

“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xambaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ahee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadisoocda aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurada Soomaaliyeed iney xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama Maanta la hirgaliyay saldhiggii hagi lahaa suugaanta, afka iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa xusay faa’idada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, wuxuuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaha xaruntaan oo uu sheegay inay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY