Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismaha dekada Garacad

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray deegaanka Garacd ee Gobolka Mudug dhanka dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka degaanka Garacd kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinay Madaxweyne Saciid Deni ayaa goor dhow si wadajir ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Munaasabadda xarig jarka dekadda cusub ee Garacad ka jeediyey khudbad uu ku boggaadiyey horumarka deegaanka iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka Puntland.

Waa dekeaddiis hanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso Garacad, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqdo kuwii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib.

Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta dhinaca Itoobiya.

SHARE

LEAVE A REPLY