Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Isimada dhaqanka SSC ka dhageystay aragtidooda ku aadan xal u helista dhibaatooyinka ka jira magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana la tilmaamay in madaxweynaha uu la wadaagay dhankiisa isimada SSC iney dhankooda ilaaliyaan nabad ku wada noolaanshaha bulshada ku nool deegaanada SSC.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Isimada dhaqanka Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa dhankooda ugu mahad celiyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka kulanka iyo soo dhaweynta uu u sameeyay, iyagoona bogaadiyay mowqifka ay ka qaadatay Xukuumadda Soomaaliya masiirka dadka ku nool gobolada SSC.

Kulankaan dhexmaray madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Isimada dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa imaanaya, iyadoo wali magaalada Laascaanood ay ka taagan tahay xiisada colaadeed ee u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegeenaaka ee reer Laascaanood oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal ruux oo shacab ah iyo barakac baahsan.

SHARE

LEAVE A REPLY